Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xiliga la caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la shaaciyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay Guddiyada qaabada caleema saarka Madaxweynaha Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka kooban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casuumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada caleema saarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayn doono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

Waxaa kulankaas lagu go’aamiyey in 26-ka bisha Jannaayo 2019 oo ku beegan maalin Sabti ah ay magaalada Garoowe ka dhacdo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Munaasabada Caleema-saarka ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona, mas’uuliyiin ka tirsan Golahayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland: “Al-Shabaabkii galay gobolka Sool waxay ka yimaadeen Saddex meelood”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xi Jinping oo balan qaad caawinaad ah u sameeyay Mareykanka

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo kusii jeeda Gedo si uu u dhameestiro Heshiiska Cabdirashiid Janan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---