Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa caawa maqribnimadii ka dhacay maqaayada The Village oo ku taalla inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo wadada Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigay baakinka maqaayada uu halkaas ku qarxay.

Jugta qaraxa ayaa laga meelo badan oo ka tirsan caasimada, waxaana la soo sheegayaa inuu geystay khasaare kala duwan inkastoo ay weli soo baxeyso faahfaafinta qaraxan.

Gaadiidka ambalaasta ayaa halkaas gaaray, waxaana goobta goobta qaraxu ka dhacay xiray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo halkaas ka wada baaritaano.

La soco wixii soo kordha insha allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Kenya oo la wareegay amaanka Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo …

Cabdi Cade

Duqa magaalada Muqdisho oo Gudoomiye cusub u magacaabay Degmada Hodan

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga bixiyay qaabkii loo dilay Bilaal Al-Sudani iyo kooxdii dilkaasi fulisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---