Allbanaadir.com
NEWS

Golaha shacabka oo ugu dambeyn go’aan ka gaaray xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta dood kulul ka yeeshay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, waxaana Xildhibaanada qaarkood si adag dood uga keeneen sharcigan Wasiirada soo meel mariyeen.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ka dooday wax ka badelka lagu sameenayo sharciga xeerka Maamulka Bangiga Dhexe , waxa ayna Xildhibaanada dooda dhiibatay qaarkood taageereen waxka bedelka sharciga halka kuwa kalana kasoo horjeeseen.

Markii dooda Xildhibaanada ka lahaayeen wax ka badelka Xeerka mamaulka Bangiga Dhaxe ee Soomaalia ayaa gudoomiyaha waxa uu faray Xildhibaanada in ay cod u qaadaan xeerkan si uu u dhaqan galo ama u diidaan.

Xeerkan wax ka badelka Bangiga Dhaxe ee Soomaalya waxaa taageeray oo meel mariyay 158-Xildhibaan, waxaana xeerkan kasoo horjeestay oo diiday 17-Xildhibaan , mana jirin Xildhibaano ka aamusay.

Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya xeerkan wax ka badelka Bangiga Dhaxe ay maanta meel mariyeen ayaa ogolaanaya in Bangiga Dhaxe uu madax ka noqon karo Ruux ajnabi ah .

Meel marinta xeerkan wax ka badelka sharciga Bnagiga Dhaxe ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya la sheegay in ay dooneyso in Bangiga Dhaxe madax ka noqdo nin ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Briain.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahin buuxda oo laga bixiyay Sida uu u dhacay dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan

Cabdi Cade

Sarkaal Maraykan oo ah oo lagu eedeeyey iibinta macluumaad xasaasi ah oo la xiray

Cabdi Cade

Dowlad aan looga baran oo shaacisay iney gargaar u soo direyso Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---