Waxaa xarunta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan kana yimid deegaanada maamulka Puntland.
Munaasabada soo dhaweynta Islaan Bashiir Islaan Cabdulle waxaa soo abaabulay Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade Ugaaska Beesha Murusade, waxaana munaasabada kasoo qeyb galay Xildhibaano, Saraakiil, Waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo degmada Dayniile kusoo dhaweeyay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo wafdiga uu hogaaminayay, waxa uuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Islaan Bashiir kusoo dhaweeyaan Deegaankiisa labaad ee Dayniile.
Intii ay socotay Munaasabada soo dhaweynta ayaa Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi waxa uu Islaam Bashiir gudoonsiiyay faras aad u qurux badan , Suldaanka ayaana si heer sare ah Ugaaska uga gudoomay Faraska uu Hadiyad ahaanta u siiyay.
Masuuliyiin iyo waxgarad Munaasabada ka hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyay Imaaanshaha Islaam Bashiir Caasimada Umada Soomaaliyeed gaar ahaan degmada Dayniile, waxa ayna Sheegeen in Dayniile tahay dhul Soomaaliyeed laguna soo dhaweenayo cid kasta oo wax gal ah.
Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo gabo gabadii Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer , waxa uuna xusay in marar badan uu tagay Puntland iyo deegaano kale oo Soomaaliyeed si weyn loo soo dhaweeyay.
Ugu Dambeyn Islaam Bashiir Islaam Cabdulle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta quruxda badan ee Ugaaska iyo dadka uu Hogaamiyo ugu sameeyeen degmada Dayniile, waxa uuna sheegay in soo dhaweyntan tahay mid aan quluubiisa ka go’een kana mahad celinayo.
Islaam Bashiir ayaa dhankiisa ku casuumay Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi iyo waxgaradka kale ee Beesha uu Ugaaska Hogaamiyo in ay kusoo booqdaan Deegaanada Puntland, waxa uuna balan qaaday in Dayniile marar badan kusoo laaban doono kuna faraxsan yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com