Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabad Xil wareejin ah oo caawa ka socota Xarunta Maamulka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Munaasabad xil wareejin ah ayaa ka bilaabatay caawa Xarunta aqalka dowlada hoose ee Muqdisho oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Munaasabadan ayaa waxaa xilalka ku kala wareegaya guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow iyo ku-xigeenadiisa cusub iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Taabit Cabdi Maxamed iyo ku-xigeenadiisii hore.

Xafladan oo ah mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa Waxaa ka qeyb galaya Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Madaxweynaha Hirshabeelle, Xildhibaano, Senatoro Guddoomiyeyaashi hore ee gobolka Banaadir Tarsan iyo Mungaab & masuuliyiin kale.

Gudoomiye Yariisow iyo ku-xigeenaddiisa ayaa maanta lagu soo wareejiyey xarumaha maamulka gobolka Banaadir, waxaana hor socday guddoomiye Taabit oo caawa xilka wareejinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurada Kenya Airweys oo ku degi weysay Muqdisho, dibna u laabatay (Sababta)

Caydiid Ali

Xukun lagu riday Masuuliyiin iyo dad kale oo lagu helay in Al Shabaab la shaqeeyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyihii Ciidamada Danab oo xabsi la dhigay iyo Kheyre oo Sabab u noqday !!

admin
Taboola Ads ---