Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Banaadir oo bilaabaya arrin cusub & Xog ku aadan ujeedka laga leeyahay

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labada dhinac mushaharka ka qaata.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa, iyadoo howshan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaamka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iska-kaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dhankoodana ay ku dadaalli doonaan sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo ku habboon howlaha loo idmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Badri Cabdiraxmaan oo lagu helay…

Cabdi Cade

Maxaa ku qoran Warqada uu Trump u diray hogaamiyaha Iran?

Caydiid Ali

Ciidamada Federaalka Itoobiya oo kusii siqaya Caasimada Tigrey iyo Buundooyin la jaray 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---