Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Yariisow oo booqday Xarumaha Maamulka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Ing. C/raxmaan Yariisow iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta booqday xarunta Maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar-weyne.

Waxaa halkaas ku soo Dhaweeyay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin  kale

Gudoomiyaha Cusub ayaa kormeeray Xafiisyada iyo Xarumaha Dowladda Hoose ay ku leedahay magalada Muqdisho, waxaana warbixino ku saabsan xafiis walba shaqada uu siinayey Guddoomyihii hore ee gobolka Banaadir.

Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa shalay wareejiyey xilka wasiirka warfaafinta Somalia oo uu horey u hayey, waxaana la filayaa in caawa  isaga iyo kuxigeenadiisa cusub ay si buuxda ula wareegaan hogaanka Maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Muqdisho oo la Daah-furay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Ciyaartoyda lagu laayay ee ka dhacay Kismaayo

Cabdi Cade

Xariga Wasiir Janan oo la sheegay in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---