Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Baaritaano lagu sameenayo Madaxweyne Trump iyo Aqalka cad oo si adag uga hadlay

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in Laanta dambi baarista FBI-da bilowday baaritaano ku aadan in Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump si hoose ula shaqeeyo dowlada Ruushka.

Baaritaanada Madaxweynaha dalka Mareykanka lagu sameenayo ayaa diirada lagu saarayaa in xiriirka Madaxweynaha Mareykanka la leeyahay dowlada Ruushka ay qatar ku tahay amaanka Qaranka Mareykanka.

Warkan soo baxay ee ku aadan in FBI-da baareyso Madaxweyne Trump waxaa si adag uga jawaabtay xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders oo ku tilmaantay warkAn wax aan macquul aheyn.

“Tani waa wax aan macquul ahayn, James Comey waa la cayriyay, sababtoo ah wuxuu ahaa qof aan xushmad lahayn, ku xigeenkiisii Andrew McCabe, isagana waa beenlow la yaqaanno waxaana cayrisay FBI,” ayay tiri Sarah Huckabee.

Madaxweyne Trump iyo kooxdiisa ayaa la tuhmayaa in xiriir hoose iyo wada shaqeyn la leeyihiin dowlada Ruushka, waxaana baaritaano la xariira kiiskan lagu sameeyay xubno aad ugu dhaw Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Aw-dheegle oo la dalacsiiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarado maanta warqado ku daadiyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---