Allbanaadir.com
NEWS

Jaamacadda Jobkey oo xubin buuxda ka noqotay Midowga Jaamacaddaha caalamka (IUU)

Jaamacadda Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka Somalia ayaa xubin buuxda ka noqotay Ururka Midowga Jaamacadaha caalamka (International Union of Universities) oo xaruntiisa dhexe ku taallo Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Warkan ayaa waxaa lagu shaaciyey bogga rasmiga ah ee ururka Midowga Jaamacadaha caalamka (IUU) oo sidoo kale ay xubno ka yihiin boqolaal Jaamacadood oo caalamka ku baahsan.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhowaan Kormeeyaal ka socday Midowga Jaamacadaha caalamka ay dalka yimaadeen iyagoo qiimeyn ku sameeyey kambasyada Jaamacadda xafiisyada, fasalada, Maktabadaha, iyo qeybo kale, una kuurgalay tayada manhajka iyo qalabka waxbarashada sida uu sheegay guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis C/samad Caagane.

Mr. Caagane ayaa uga mahad celiyey Ururka Midowga Jaamacadaha caalamka go’aanka ay ku gaareen in Jaamacaddu ay xubin buuxda ka noqoto, taasoo uu sheegay iney tahay guul u soo hoyatay bahda Jaamacadda, isagoo dhinaca kale ka hadlay fursadaha Jaamacadu ka heleyso aqoonsigan caalamiga ah.

“Aqoonsigan waxaa uu u suuragelinayaa ardayda iyo macalimiinta Jaamacada Jobkey iney waxbarasho, shaqo iyo cilmi baaris u tegi karaan dalalka Caalamka sidoo kale waxay Jaamacadu qeyb ku yeelan doontaa mashaariic iyo barnaamijyo fara badan oo ururkan uu ku taageero Jaamacadaha xubnaha ka ah, dedaalka aan howshan u galnayna iskama iman ee wuxuu soo socday muddo dheer, dedaal iyo juhdi badan ayaana lagu bixiyey, waxaana buuxinay dhamaan shuruudihii nalooga baahnaa” ayuu yiri Caagane oo u mahad celiyey masuuliyiinta kale ee Jaamacada, hormuudyada, Macalimiinta iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay dedaalka lagu bixiyey guushan.

Jaamacadda Jobkey ayaa horey xubin buuxda uga aheyd Ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin ururka Jaamacadaha Qaarada Afrika, ururka QM u qaabilsan Waxbarashada, dhaqanka iyo Sayniska ee UNESCO iyo iyo ururo kale oo isugu jira heer gobol iyo caalami ah.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO LINKIGA BOGGA IUU

http://iuu.com.tr/ar/archives/1962

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Hirshabelle oo soo gebagebeysay doorashada kuraastii taallay Balad-weyne

Caydiid Ali

Saif al-Islam Gaddafi oo loo diiday in uu u tartamo xilka Madaxweynaha dalka Liibiya

Cabdi Cade

Sababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Fadaraalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---