Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Soomaali oo saaka lagu gowracay Magaalada Bristol (Daawo Sawirro)

Waxaa Xalay Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska nin Soomaali ah ku dilay wiil kale oo Soomaali ah xili uu hurdayey.!!

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka dilka geystay oo ah nin oday ah uu qaadan jiray dawooyinka ay cunaan dadka dhimirka ka xanuunsan.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay oo aan magaciisa la shaacin uu ahaa maamulaha guriga falku ka dhacay isla markaana uu dilka u adeegsaday Mindi.

Ninka dilka loo geystay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa gaari taksi ah uu muddo kooban degenaa dalka Ingiriiska isagoo markii hore ka yimid dalka Holand.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay ka dib markii ay wargelisay haweeney ka tirsan dadka degaanka oo aragtay isagoo wata mindida uu wax ku dilay.

Lama oga illaa sababta uu ninkan u dilay wiilka dhalinyarada ah, iyadoo Booliskuna ay sheegeen iney baaritaan ku hayaan dhacdadan, waxaana dilkan ka argagaaxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga oo Al Shabaab ka saaray saldhig weyn ay ku lahaayeen Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay magaca sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caaggan oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---