Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo war ka soo saaray kalfadhigiisii 4aad

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay inuu xirmay Kalfadhiga Afaraad ee Aqalka Sare.

Warqaddan ayaa dhammaan Senotarrada Aqalka sare loogu sheegay in uu xirmay Kal-fadhiga 10-ka Bishan Jannaayo 2019-ka, isagoo dib u furmi doono 10-ka Misha Maarso ee isla Sanadkan, sida lagu qeexay go’aankii Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare kulankoodii 14-aad ee qabsoomay 5-tii Bishan Jannaayo.

Go’aankan ayaa loo cuskaday qodobbada 74-aad iyo 23-aad ee Dastuurka ku meel gaalka ah, kaasoo qabo in Goluhu uu Sanad kasta yeelanayo Laba Kal-fadhi, mid kastana uu socon doono muddo Afar Bil ah.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeysa aqalka sare iyo golaha shacabka uu xumaaday ka dib markii aqalka sare loo gudbin waayey miisaaniyadii la ansixiyey ee sanadka 2019-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka is daldalay ama Nafta is dhaafinaya oo ku soo badanaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska !!(Daawo Video)

admin

Ra’isul Wasaare Xamse oo farriin bogaadin ah soo diray ballanqaad cusubna sameeyay

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---