Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhul boob lala damacsan yahay Degmada Dayniile ee G/Banaadir (Xog xaqiiqo ah)

Maalmahaan waxaa Muqdisha ka socda qorshe burcadnimo ku dhafan tahay, ee loo maleegay bulshada Degan degaanka Degmada Dayniile.

Bulshadaas badankeedu waxay ka kooban tahay qoysas Goofley ah oo qarniyaal badan noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada waambaha, moxogga, digirta, dhaqashada ariga iyo lo’da. Waxay Caasimada Muqdisha usoo  suuq geyn jireen cawska xoolaha la siiyo, qoryaha la shito, caano iyo subag sixan ah. Noloshoodu waxay ahayd mid is-bixisa oo si buuxda ugu filan.

Dhulkoodana waxay ka ilaalin jireen Nabaadguur  iyaga oo u tura dhirta iyo makhluuqa kale ee la nool oo ay quraanshadu u yar tahay.

Saraakiishii Soomaaliya afgembiga ku qabsaday 21/10/1969 waxay durbadiiba bilaabeen in ay deegaanka Dayniile iyo hareerihiisaba ka dhisaan xerroyin Milateri. Sida la wada oggsoon yahay Mileteriga sidiisaba waxaa loogu tala galay in ay dalka ka difaacaan  cadwga dibadda.

Waxaana aalaaba la dejiyaa jiidda hore ee xuduudaha dalka.  Balse ciidamadii la dejiyay Dayniile waaxaa loogu tala galay in lagu difaaco Golihii Sare ee “Kacaanka” waayo xukunka waa ay boobeen, hay’adihii dastuuriga ahaa  & xildhibaanadii la soo doortay  sida Baarlamaanadii (1960-1969) waa ay kala direen, Dastuurkii 1960 ee aftida loo qaaday waa ay  laaleen.

Saraakiishaasi waxay cadaadis xooggan dul dhigeen beelihii Hawiye sida Abgaal, Murusade, Wacdaan, shiiqaal iyo gaaljecel, iwm ee degenaa hareeraha Caasimadda. Murusaduhu waxay ahayeen beesha loogu “roonaaday”  ka dhex dhisidda xerooyinkii ciidamada.

Beeshaasi xilligii dheeraa ay askartu dalka xukumaysay waxaa la soo deristay dhibaatooyin fara badan, oo aan halkaan ku soo koobikarin. Balse ma aysan qixin oo waa ay adkeysteen. Muddo ka dibna waxay hormuud ka ahaayeen kacdoomadii mucaaradka hubeysan ee soo afjaray kalitalisnimadii nabadda iyo nolosha shacabka raggaadisay. Waxaa Ilaahey mahaddiis  ah in ay maanta dalka ka dhisan tahay Dawlad federaali ah, oo aan ku imaan qorayga caaraddiisa.

Haddaba, beesha Murusade iyo beelaha la midka ah waxay rajo weyn ka qabaan in dhulkoodii loo soo celiyo, magdhawna laga siiyo dhibaatooyinkii loo geystay iyo horumarkii loo diiday.

Nassibdarro, waxaa dhacday in xildhibaanadii horay u boobay kuraasta beesha Murusade ka dhaxeysay, ay mar labaad haweysanayaan in ay shacabka masaakiinta ah dhulkooda ka boobaan.

Iyaga oo sameysatay  Guddi Maqaar Saar ah, oo aan lagala tashanin dadkii deganaa Dayniile ab- ka-ab Waxaa la yaab ah, halkii ay shacabka deegaanka ku taageeri lahaayeen in ay si madax-bannaan u dhistaan Guddi iyaga iyo danahooda matala, waxay xildhibaanadu doorbideen in ay iyagu u noqdaan Guddi Ismagacaabay. Waxaa soo if baxday in Xildhibaanadii ay u xuubsiibteen Guddiga Arrimaha Bulshada.

Su’aashu waxay tahay, maxaa xildhibaanda beesha Murusade ku kalifay in ay sidaas u dhaqmaan? jawaabtu waa ay fudud tahay. Waxay rabaan in aagga u dhaxeeya shacabka dulmanaha ah iyo xukuumadda uu R/W Kheyre madaxda ka yahay, ay ka dhex furtaan Xafiis Dalaalnimo.

Waxay rabaan in ay dhulka/hantida  ay goofleydu milkida u leedahay ay iyagu maamulaan: In qeyb dhulka ka mid ah ay ku laaluushaan madaxd a iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda, qeybna ay ka dhigaan danguud, qaarna iyagu qaataan/ama caddeystaan, cadka yar ee soo harayna ay goofleeyda saboolka ah ay ku hafraan.

Waxaa taas ka sii daran Qeyb kasta ay qolo siiyaanba, saami qarsoodi u ah ayey ku sii leeyihiin. Waxaa kaaga sii daran, waxay rabaan dhaqaalihii sida silaca, saxariirta iyo burcadnimada ah ay ku soo uruuriyeen in ay mar seddexaad ku iibsadaan kursaasta xildhibaanimo ee labada aqal, ee duurashada 2020/21.

Cabashadu intaas waa ay ka sii riiq dheer tahay, balse waxaan ku soo koobaynaa, in xildhibaanadu beesha Murusade qandigooda hadda maran, ay salka ka sii dhigtaan  arrimaha soo socda:

  1. Madaxweyne Maxamad cabdulaahi “Farmaajo” ma ahan M. Siyaad Bare, ma ahan         kali taliye, mana ahan laaluush qaate.
  2. Wadanka waxaa lagu maamulaa Dastuur ku salaysan Dimuqaraadiyad, caddaalad, iyo sinnaan, mana ahan Golihii    Kacaanka ama XHKS (xisbigii hantiwadaagga          kacaanka         Soomaaliyeed)
  3. Bulshada Goofleyda ah hantidooda idinku xaq uma lihidiin in aad iibisaan, dadkale  ku   laaluushtaan, dad u qeybisaan, ku takri   fashaan,          ama aad dallaaliin ka             noqotaan. Dib u eega awooda uu       Dastuurku             idiin oggol yahay inta ay la’egtahay. Fadlan, isku daya        in aad ummadda ka    xishootaan,             hantidoodana ay  adinka        badbaado, maamulkeedana aad fara kala baxdaan.
  4. Dhalinyarada beesha Murusade waxay diyaar u yihiin in ay sharaftooda     iyo       dhaxalkoodaba ay ku difaacdaan waddo sharciga ah.

Lasoco Qaybta 2 aad oo ah Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku Howlan Dhul boobkaan lagu wado Degmada Dayniile insha allah …….

Qore:-Maxamed Maxamuud Warsame
Email:-banaadir1982@gmail.com
Muqdisho-Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Allbanaadir Online. Allbanaadir Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.

Kusoo dir qoraaladaada iyo Fikirkaada Saliimka ah  Allbanaadir@live.com  Mahadsanid…

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Fannaaniinta Soomaaliya ugu caansan oo fanka isaga baxday

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Gudoomiyey Shirka Golaha wasiirada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Odayaal qaraabo ahaa oo maanta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---