Waxaa goordhaw lasoo gabo gabeeyay Wareega koobaad ee doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socotay magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabelle.
Kursigan doorashadiisa ka socota magaalada Jowhar waxaa horey u baneeyay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kadib markii loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Nabad sugida, waxaana kursigan iska leh Beesha Xawaadle gaar ahaan Jufada Cali Madaxweyne .
Doorashada kursigan oo aheyd mid xiiso badan ayaa u dhaxeysay lix Musharax oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan Jufada Cali Madaxweyne, waxaana Musharaxiinta tartameysay ku jira Sanbaloolshe oo horey kursigan u baneeyay.
Wareega koobaad ee doorashada waxaa isugu soo haray C/llaahi Sanbaloolshe oo helay codad gaaraya 24-cod iyo Nuur Iidow Beyle oo isna helay codad gaaraya 23-cod, waxaana codadkii la dhiibtay xumaaday sadex cod halka hal cod kalana uu helay Cali Cosoble.
Musharaxiinta kale ee kursigan Xildhibaanimo u tartamayay ayaan helin wax codad ah, waxaana tartanka xiisihiisa u dhaxeeyaa labada Musharax Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow , lamana oga cida kursigan kusoo bixi doonto.
Musharaxiinta ayaa sidan u kala helay Codadka
1-C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe 24-cod
2- Cali C/llaahi Cosoble Hal Cod
3- Dahir Cabdulle Cawaale 0-cod
4- Nuur Iidow Beyle 23 Cod
5- Dahabo Xasan Axmed 0-cod
6- Xuseen Axmed Geelle 0 -cod
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com