Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Amniga oo xabsiga dhigtay sarkaal Boolis ah & sababta ka dambeysa

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay saarkal ka tirsanaa ciidamada Booliska, kadib markii uu fal adgudub ah kula kacay xaaskiisa hore.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in sarkaalka la xiray laga soo qabtay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo wasaaradu sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xadgudubka loo geysto dadka shacabka ah.

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd Xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda oo aan faahfaahin kale ka bizin sarkaalka falka uu sameeyay iyo magaciisa.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la xiray lagu magacaabo Yuusuf Xundubey, kaasoo la sheegay in isagoo xiran dharka ciidamada Booliska uu meel fagaare ah oo dad badan joogeen ku garaacay xaas ay horey u kala tageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Boris Johnson oo guul daro siyaasadeed ku dhacday

Cabdi Cade

Nin in ka badan 90-Haween ah Ceejo ku dilay oo dhintay iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo khudbad u jeediyey ciidamo loo diyaariyey xoreynta J/dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---