Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa kula kulmay António Guterres

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  António Guterres.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya iyo Horumada Dowlada gaartay Mudooyinkii ugu dambeeyay iyo sidii Qaramada Midoobay u xoojin laheyd taageerada dowlada siiso.

Antonio Guterres ayaa amaanay Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sheegay in dowlada hormaro weyn ka sameeysay dhinacyo kala duwan sida amniga iyo maamul wanaaga mudadii sanadka aheyd ee jirtay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in Qaramada Midoobay ay xoojin doonto taageerada Soomaaliya siiyaan ayna ka taageeri doonaan adeegyo badan oo Muhiim ah.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya  shir madaxeedka hoggaamiyaasha Midowga Afrika ayaa la filayaa in magaalada Adis Ababa kula kulmo Madax kala duwan oo shirkaasi ka qeyb galeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo qaabilay Mss. Kristina Svensson iyo xubno ay horkaceysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo War ka soo saartay fal dil ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Mamnuucay in gaadiid dagaal lala dhax maro Muqdisho Ammar adagna bixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---