Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka socda Tukaraq

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa saakay aroor hore ka qarxay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka nucyadiisa kala duwan.

Ciidamo katirsan maamulka Puntland oo aad u hubeesan ayaa weerar ku qaaday deegaanka Tukaraq ee dhawaan laga qabsaday, waxaana dagaalka hogaaminaya sida wararka ku helnay Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya labada ciidan uu ka socdo Deegaanka Tukaraq, waxaana labada ciidan ee dagaalamaya kala gaaraya gurmadyo xoogan.

Ciidamada Somaliland ayaa dhawaan dagaal kula wareegay Deegaanka Tukaraq oo horey fariisin ugu aheyd Ciidamada maamulka Puntland, waxaana waayadan deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw ka socotay abaabul dagaal.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxii ka dhacay Adis Abaha iyo R/W Abiy oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble iyo wefdigii la socday oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Faah Faahin “Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo rag katirsan Al-shabab oo gacanta lagu dhigay !!

admin
Taboola Ads ---