Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyey shirklii ugu horeeyay ee Golaha xukuumadda Puntland, iyadoo uu wehliyo madaxweynaha xilka ka degaya C/weli Gaas.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee la doortay Axmed Cilmi Cismaan, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo kala wareegi lahaa.
Waxaa socota qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo uu si rasmi ah xilka ula wareegi doono soona magacaabi doono gole wasiiro oo cusub oo bedelaya wasiirada hadda shaqeeya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com