Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay ka fuliyeen Deegaanka Yaaq Baraawe

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar dhinac cirka ah ku bartilmaameedsadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Baay.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn la beegsadeen goob ay Al Shabaab kasoo abaabulaan weerarada oo kutaala deegaanka Yaaq Baraawe oo katirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed.

Warka kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday shalay oo talaado ah lagu dilay 6-kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale lagu gubay baabuur.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax dhibaato ah kasoo gaaray dad shacab ah, waxa ayna sheegeen in Duqeyntan kaliya dhibaato gaarsiisay dagaalayahanada Al Shabaab ee ku sugnaa goobta la duqeeyay.

Duqeyntan Mareykanka ka geesteen gobolka Baay ayaa noqoneysa duqeyntii shanaad ee sanadka cusub ka fuliyaan Soomaaliya, waxa ayna dowlada Mareykanka sheegtay in ay sii wadayaan Duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbadal lagu sameenayo Saraakiisha Ciidanka Milatariga iyo Madaxweyne Farmaajo oo amar bixiyay

admin

(Sawirro) Sida maanta looga ciiday Magaalada Jowhar iyo Cali Guudlaawe oo..

Caydiid Ali

Xafiiska Raisul Wasaare Khayre oo bilaabay olole lagu difaacayo Madaxaweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---