Taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa faahfaahin ka bixiyay maxbuus xalay ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar.
S/Guuto C/kariin Cali Afrax oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in geerida maxbuuskan ay ku socoto baaritaan, isagoo faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.
“Maxbuus ka mid ah maxabiista ku xirneyd xabsiga dhexe ee Xamar, maxbuuskaas waxa uu ku xirnaa qodobka 221, Maxbuus kale oo ay isku qodob ku xirnaayeen ayaa wax kala gaareen, sababtu waxa ay ahayd, maxaabiista waxa ay cayaarta, cayaar kubadda cagta ah, koob ayaa u furan, waxaana ay cayaarayaan koobkaasi, waxaa isku dhacay labo maxbuus oo is feeray, sida caadiga ah, Garsooraha waxa uu kaarka casaanka ah u taagay mid ka mid ah labadii maxbuus ee is dagaashay” ayuu yiri taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta.
Sareeyo Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa xusay in labada maxbuus la xiray, waxaana uu intaa ku daray in Marxuum Xasan Maxamuud Xasan oo ka mid haa maxaabiista isku dhaca darteed loo xiray uu ku dhintay gudaha xabsiga.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in maxbuuska lagu duray cirbad sun ah ama uu ku neef qabatoobay konteynar lagu xiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com