Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo muddo kooban xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir 

Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaamuddo kooban magaalada Muqdisho ku xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Sayidcali Macalin Cabdulle.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Nabad sugida ayaa gudaha Hotelka Maka Al Mukarama kasoo xiray labadan masuul ee hogaamiyaha Xisbiga Wadajir uu xubin muhiim ah ka yahay Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame ayuu ku xaqiijiyay in Ciidamada Nabad sugida xabsiga dhigeen Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin oo horey usoo noqday Maareeyaha Dekadda Muqdisho.

hase ahaatee ciidamada Nabad sugida ayaa wax yar ka dib sii daayey labada nin, lamana oga sababta keentay xarigooda iyo sii deynta ka dambeysay.

labadan Masuul ee katirsan Xisbiga Wadajir ayaa dhawaan Maxkamada ciidamada qalabka sida ka dacweeyeen Kusimaha Taliyaha ciidanka Nisa iyo sarakaiil kale oo ka tirsan Nabad sugida.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo burcad ah oo madax furasho u haysta adeegyada isgaarsiinta dawlad weyn !

Cabdi Cade

DF oo xayirtay Shirkado, Bogag internet, telefoono iyo Malaayiin Dollar (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxay tahay sababta loogu guuleysan waayey howlgalada Sh/hoose? (Warbixin)

Caydiid Ali