Allbanaadir.com
NEWS

Qarax loo adeegsaday Gaari Ambalaas ah oo dad badan ku dilay Kabul (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afgaanistan.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari nuuca gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana qaraxan lala eegtay meel ku dhaw xaruntii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Afganistan.

Inta la xaqiijiyay 40-qof ayaa ku dhintay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad ka badan 140-qof, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha qaraxan ka dhashay uu sii kordho.

Qaraxan ayaa goobta uu ka dhacay waxaa ku dhaw dahay xafiisyada ururka midowga Yurub, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay buux dhaafiyay ciidamo badan oo kamid ah sida kuwa gaarka ah u tababaran.

Dalka Afgaanistan waxaa kusoo badanaya sanadkan cusub qaraxada ismiidaamina ah iyo weerarada tooska ah ee lagu qaadayo xarumaha Dowlada, Hoteelo iyo xarumo ay Ha’;ado leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deegaanka doqomada oo magacii laga badelay iyo dadka kunool oo dabaal degay !!

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dad Caruur u badan oo ku dhamaaday qarax ka dhacay Masaajid (Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka qeyb galay aaska qoys ku le’day guri ku soo dumay (Sawirro)

Caydiid Ali