Saraakiil ajaaniib ah oo xarun ku leh Xalane ayaa baaritaano ku wada dil shalay xarunta hay’ada Unicef ku leedahay magaalada Muqdisho loogu geestay nin ajnabi ah oo la sheegay in uu u dhashay dalka Uganda.
Nin kamid ahaa ilaalada xarunta Unicef ee degmada Wadajir ayaa gudaha xaruntaasi ku dilay nin Ajnabi ah oo cuno kariye ka ahaa xaruntaasi, kadib markii ay murmeen sida laga soo xigtay xubno xaruntaasi ku sugnaa.
Saraakiil ajaaniib ah ayaa shalay iyo maanta tagay xarunta Unicef ee dilku ka dhacay, waxa ayna baaritaan ku wadaan sida uu u dhacay dilkan iyo waliba waxa keenay in ninkasi ajnabiga ah la dilo.
Ninkii dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaana magaalada Muqdisho ka baadi goobaya ninka dilka geestay.
Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ciidamada AMISOM, mana jiro ilaa wali wax war ah oo dowlada kasoo saartay ninkan ajnabiga ah ee shalay lagu dilay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ajaaniib wadamo kala duwan kasoo jeeda, kuwaa oo u shaqeeya Hay’ado iyo Shirkado gaar loo leyahay, waxaana inta badan ajaaniibta yihiin kuwa ku kooban goobaha ay ka shaqeeyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com