Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ka dhoofaya iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta galinka dambe u dhoofaan magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Adis Ababa uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika , waxa sidoo kale la filayaa Madaxweynaha in Adis Ababa uga qeyb galo shir gaar ah ay yeelanayaan Madaxda IGAD.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Adis Ababa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka ka dhacaya Adis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo ayaana markii ugu horeesay ka qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika, waxaana la filayaa in Madaxweynaha shirkaasi ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Xildhibaano ay ku jiraan Fiqi iyo Odawaa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo arrin xasaasi ah kala shiray Saraakiisha XDS

Caydiid Ali

Xamaas oo gantaalo ku weerartay Tel aviv & Magaaloyin kale oo ku yaalla Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---