Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo Taageertay Howlgalka Ciidanka Turkiga ka wadaan Afrin

Dowlada Soomaaliya ayaa taageertay Howlgal ciidamada Milatariga dowlada Turkiga ka wadaan gobolka Afrin ee dalka Siiriya, halkaas ay kula dagaalamayaan Maleeshiyaad Kurdiyiin ah.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya taageereyso howlhalka ciidamada ka wadaan gobolka Afrin.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya in dowlada Turkiga ay xaq u leedahay in ay la dagaalanto cid walbo oo xasilooni daro ku heysa amaanka qaranka dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in ixtiraam weyn ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed xukuumada iyo shacabka Turkiga maadaama ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo taageero siiya shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed.

Ciidamada Milatariga Turkiga ayaa howlgalo balaaran ka bilaabay gobolka Afrin oo kuyaala  dalka Siiriya gaar ahaan dhinaca xadka Turkiga , waxa ayna ciidamada la dagaalamayaan Maleeshiyaad Kurdiyiin ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagtii Shilin Soomaaliga Qaarkeed oo Afka baarkeeda ku soo Hartey !!

admin

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Rooble & Midowga Musharaxiinta? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Shiinaha oo 103 diyaaradood u diray hawada dowlad xiisad kala dhaxeyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---