Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda dowlada oo la sheegay in ay wadaan Caburin iyo Handadaad joogto ah !!

Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxda dalka ugu sareysa in ay wadaan caburin iyo handadaad joogto ah ay u geesaneyso Siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Ciidamada amaanka oo fulinaya amar kasoo baxay Wasaarada Amniga ayaa maanta xoog ku joojiyay siminaar Hotelka Maka Al Mukarama uga socday dhalinyaro katirsan xisbiga Mucaaradka Wadajir uu hogaamiyo C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamada qaranka ee loogu tala galay in shacabka difaacaan loo adeegsanayo  caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed.

”Waxaa  nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto!

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa sii raaciyay ”Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya!

Mahad Salaad ayaa sheegay in xaga jugleynta iyo caburinta ay adgeesanayaan Madaxda dowlada hogaamisa gaar ahaan Madaxweynaha aysan keeneen in talada dalka kusii nagaadaan, waxa uuna kula taliyay in dalka aysan u horseedin bur bur.

Dhinaca kale Xildhibaan AXmed Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxda Villa Soomaaliya in ay wadaan caburin iyo cagojugleyn, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in ciidanka Qaranka loo adeegsado in dad gaar ah lagu beegsado.

”Madaxda Villa Soomaaliya ayagoon laba sano gaarin ayey kaararkoodii oo dhan xoqdeen, laakin kaarka kalitalisnimada, caburinta iyo cagajuglaynta adduunka oo dhan waa laga soo xoqday wax nacfi ah oo ku harayna ma jiro, haddii caydii baraha bulshada ay socon wayday, barakacayaashii la soo kicinayey la isku fahmay, waxaa u haboon in ay la yimaadaan farsamo kale oo aan ahayn Ciidamada dalka in loo adeegsado dadkooda!” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Hadalka Xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa kusoo aadaya xili maanta ciidamada booliiska xoog ku joojiyeen Siminaar Muqdisho uga socday Dhalinyaro katirsan Xisbiga Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada sida Quruxda badan ee Cali Guudlaawe loogu soo dhaweeyay Baladweyne

Cabdi Cade

Ciyaartoy ka qeyb gashay Tartankii Dowlad Goboleedyada oo Maxkamad loogu hanjabay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Dhalinyaradii tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea waa la iibsaday”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---