Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Baarlamanka Puntland oo maanta bilaabaya dhegeysiga khudbadaha Musharaxiinta

Baarlamanka Puntland ayaa maanta bilaabaya dhageysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenada, kuwaasoo soo bandhigaya waxqabadkooda u qorsheysan haddii ay doorashada ku soo baxaan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la soo gebagebeeyey diwaangelinta musharixiinta, iyadoo xubnaha Guddiga doorashada Puntland ay shaaciyeen musharixiinta isku diwangeliyay in ay tartamaan.

Sida uu sheegay guddiga 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa si rasmi ah loo diiwaan geliyey kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada.

Qabanqaabo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe, taasoo la filayo inay dhacdo beri oo talaado ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari loogu wacay in uu xiro dad Xatooyo looga shakiyay oo Ficil Cajiib ah sameeyay !!

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay goob ganacsi ay ku sugnaayeen

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo shaaciyay Ujeedooyinka Farmaajo ka leeyahay Shirka uu Iclaamiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---