Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Somalia iyo Itoobiya wadahadal Muhiim ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Siisi oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar

Cabdi Cade

Rooble oo si layaab leh uga hadlay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho Eedeyna jeediyay

Cabdi Cade

Ciidamadii taabacsanaa Maamulka Hirshabelle oo dagaal looga saaray Baladweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---