Allbanaadir.com
NEWS

Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tegay degaan ka tirsan gobolka Bay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxay safar dhanka dhulka ah ku tageen degaanka Aw-diinle ee gobolka Bay.

Dadweynaha iyo madaxda degaankaasi ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ugu hortagay meel degaanka u jirta 5-km iyagoo qeybaha kala duwan ee Aw-diinle.

Shariif Xasan ayaa intaasi ka dib waxa uu dhagax-dhigay saldhiga Awdiinle, wuxuuna shacabka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen, wuxuuna ugu baaqay in ay maamulka degaanka ay gacan siiyaan.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan uu kulan la qaatay qeybaha bulshada ee degaanka Aw-Diinle isagoo kala hadlay sugida iyo xoojinta maamulka degaanka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qoor-qoor & xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo galabta booqday xeebta Hobyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo lagu casuumay kulanka Farmaajo & Uhuru Kenyatta

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Saldhig ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---