Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray difaacyada ciidanka ee duleedka degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.
Waxaa kormeerka ku wehliyey taliyaha Guutada 7aad Col. Xassan Maxamed Abuukar iyo saraakiil kale, waxayna u kuur-geleenĀ xaaladda Ciidanka xoogga dalka ee ku jira difaacyada hore.
Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, isagoo ciidanka Xoogga dalka kula dardaarmay inay joogteeyaan howlgalada looga soo horjeedo Al-shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com