Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo dhagax dhigay xaafad casri ah oo laga dhisayo Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xaafad Cusub oo laga hirgalinayo Magaalada Kismaayo.

Xaafadan oo loo bixyay Bilan ayaa ka koobnan doonnta guryo caadi ah oo la dago iyo Suuqyo goobo Waxbarasho iyo Adeegyada kale ee muhiimka u ah deegaanka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xaafadan ay qayb ka qaadanayso dib u dhiska Magaalada iyo koboceeda isagoo ugu baaqay qurba joogtu in ay dalka maalgashadaan.

Cid walba oo dhismaha Xaafadan ka qayb qaadanaysa ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax ka wanaagsan in dalka la maalgashado oo ah hanti raasamaal ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo Dhagax dhigay Mashaariic laga hirgalinayo Xudur (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Puntland oo ku dhawaaqday iney tahay dowlad ka madax banaan DF (Akhriso)

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya Nin Hubeesan oo lagu toogtay magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---