Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.
9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Dadka dhaawacyada ka soo bogsaday, waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd gabar lix jir oo la geeyay dalka Turkiga iyadoo ku jirtay Xaalad koomo ama miyirbeel ah, waxaana dib loo soo celiyay iyadoo caafimaad qabta iyada iyo hooyadeed oo faraxsan.
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.
Sidoo kale,caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo ku saleysan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com