Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil u dhalatay Nageria oo Shahaado iyo Abaal marin lagu siiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu abaal marinayay saraakiil katirsan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa katiran booliiska .

Munaasabada lagu abaal marinayay saraakiishan katirsan booliiska AMISOM ee kasoo jeeda dalka Nageria waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha booliiska Nageria ee katirsan ciidamada AMISOM ayaa lagu abaal mariyay shaqada ay ka qabteen gudaha Soomaaliya, waxaana saraakiishan lagu amaanay gacanta ay ka geesteen tababarka booliiska Soomaaliya .

Maj. Gen. Fidza Dludlu oo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM ayaa sheegay in saraakiisha booliiska Nageria ee qeybta ka ah AMISOM ay qabteen shaqooyin wanagasan oo loo riyaaqay ayna mudan yihiin abaal marino.

Soomaaliya waxaa ka howlgalo ciidamo booliis ah oo katirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM , waxa ayna ciidamada ka kala socdaan dhowr wadan ay kamid yihiin Nageria, iyo Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegtay in gaadmo ku dileen askar Itoobiyaan oo baxsad ahaa

Cabdi Cade

Ururka Jaamacadaha dalka oo War ka soo saaray arrinta Nasro Abuukar Cali

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shir Wadatashi uu la yeelanayo Madax hore (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---