Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo adag oo saakay ka socda degmada Afgooye

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay howlgalo adag oo baaritaano ah waxa ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ay ka kooban tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada dowlada ayaa xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye ka wada howlgal guri guri ah, waxa ayna ciidamada guryaha Afgooye ka baarayaan dad ay tuhmayaan iyo hub.

Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya dhalinyarada degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ciidamada xirayaan dadka ay sida gaarka ah uga shakiyaan ama la waayo qof la yaqaan oo damiinta.

Howlgalka saakay ka socda degmada Afgooye ayaa imaanaya kadib markii maalmihii lasoo dhaafay degmada Afgooye kusoo kordheen dilalka qorsheesan ee loo geesanayo ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ceeryaamo Sabab u noqotay in hal wado shil ku galaan 60-gaari !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ogow gobolka Turkiga ka baarayo xirmooyinka shidaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Angela Merkel oo 16 sano ka dib wareejisay xilka Ra’sul Wasaaraha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---