Allbanaadir.com
NEWS

Bisad loo xukumay magdhow lacageed oo ku dhow Milyan dollar

Bisad sawirkeeda loo isticmaalay xayaysiin ayaa loo xukumay lacag dhan $710,000 dolar oo magdhow ah, kadib markii sida la sheegay shirkadda sawirka isticmaashay ay ku xad gudubtay heshiis horay u dhacay.

Shirkadda mas’uulka ka ah mukulaasha oo lagu magacaabo Gruspy Cat Limited ayaa dacwad ku oogtay shirkadda samaysa bunka la cabbo taas oo markii hore lagula heshiiyay in sawirka bisada u isticmaasho bunka qaboow oo kaliya, balse waxa ay u isticmaashay alaabo kale oo dheeraad ah.

Bisadan oo lagu magacaabo Tardar Sauce ayuu sawirkeeda aad u baahay,  waxaana aad loola dhacay shucuurta murugada leh ee wajigeeda ka muuqda.

Waxaa xitaa jira aflaam ay jishey mukulaasha, iyo bandhigyo taleefishin oo ay kasoo muuqatay.

Sanadkii 2013-kii shirkadda waxyaabaha la cabbo ee Grenade Beverages oo ay wada leeyihiin wiil iyo aabihiis ayaa qoyska mukulaasha leh la galay heshiis ku kacaya $150,000 doolar si sawirkeeda la yaabka leh loogu dhajiyo bunka ay shirkadooda samayso.

Shirkadda Grenade ayaa iyaduna dhankeeda ka furatay dacwad ka dhan ah qoyska mukulaasha, waxayna ku eedeysay in sidii lagu heshiiyay dhankooda aysan kasoo bixin waxyaabaha qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ragow Dumarka ma Naga Aqli Badan yihiin. (Tallo ku socota Raga Soomaaliyeed)

admin

Maxaa ka jira inuu dib u dhacay maanta shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali

Maxaa sababay in Elon Musk lumiyo kaalinta shaqsiga ugu hantida badan dunida?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---