Allbanaadir.com
NEWS

Qarax nooc cusub ah oo saaka ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Qarax xooggan ayaa saaka waaberigii ka dhacay guri ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Sid wararku nagu soo gaarayaan qaraxan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Muqdisho ayaa ka dhashay miino lagu xiray derbiga guri ku yaalla xaafad ku dhow Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer).

Miinadan ayaa markii ay qaraxday burburisay derbiga guriga lagu dhejiyey, waxaana ku dhaawacmay nin ka tirsanaa qoyskii gurigaas ku noolaa sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaankaas.

Dhowr neef oo ari ah ayuu sidoo kale qaraxaas dilay, kuwaasoo ku jiray mooro jiingado ka sameysan oo halkaas ku taalla, waxaana jira ari kale oo waxyeelo ay soo gaartay.

Lama oga illaa hadda sababta miinadan loogu dhejiyey gurigan derbigiisa iyo cida loola dan lahaa, balse waxaa halkaas gaaray ciidamada amaanka dowlada oo halkaas ka baaritaano ka sameeyey.

Dadweyne fara badan oo ka tirsan degaanka ayaa halkaas isugu soo baxay, iyagoo isweydiinaya qaraxan iyo cida halkaas keentay, waxaana dadka isu baxay ay aad ula yaabeen sida ay goobtaas wax uga dhaceen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhici jiray qaraxyada loo adeegsado miinooyinka jidadka la geliyo, kuwa ismiidaaminta ah ee gaadiidka laga soo buuxiyo, bambooyinka gacanta iyo qaar kale balse qaraxa saaka Muqdisho ka dhacay oo lagu dhejiyey derbiga ayaa ah nooc ku cusub dhegaha dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doon siday agab ciidan iyo raggii la socday oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Somalia & Boqortooyada Sacuudiga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira fududeynta..

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---