Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo 54-Milyan Dollar ku bixineysa dib u dhiska Somalia

Dowlada Norwey ayaa shaaca ka qaaday in lacag gaareysa  54.3 milyan oo doolar ku bixineyso horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha Soomaaliya , waxaana dhaqaalahan Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bangiga Aduunka.

Wasiiru dowlaha Horumarinta Dowlada Norway Nikolai Astrup ayaa sheegay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya .

Lacagta ay dowlada Norwey ugu deeqday Soomaaliya ayaa qeyb kamid ah la sheegay in loogu tala galay kahor taga xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga Amniga Soomaaliya kala soo dersa.

Dowlada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale ka hesha qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana dowlada oo hormaro badan ku talaabsatay sanadihii ugu dambeeyay keentay in dhaqaalo badan lagu aamino looguna deeqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ruxay Muqdisho

Cabdi Cade

Qaraxyadii Muqdisho oo lagu weeraray Labo Hotel iyo Xarunta CID-da iyo rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan oo taageertay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

admin
Taboola Ads ---