Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan gaar ah kula qaaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway Erna Solberg.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada dal u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya iyo sida dowlada Norwey u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay dowlada Norwey doorka taageero ay siiso Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ka faa’iideesaneyso taageerada ay hesho wadamada saaxiibada la ah.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka, waxa uuna R/Wasaaraha intii uu dalkaasi joogay la kulma Madax kala duwan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow xogta shir Muhiim ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga qeyb galayo Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddigii qiimeynta ee uu Magacaabay RW Rooble oo shaqadiisa bilaabay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Kenya oo amray in la xiro Baararka iyo Kalaabyada (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---