Maamulka Dekadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo sabti ah Dekadda Muqdisho si rasmi ah uga howl bilawday Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida kana howlgasha in ka badan 130 wadan.
Qoraal kasoo baxay maamulka Dekadda Muqdisho ayaa lagu Ogeysiiyay Ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in Dekadda maanta ka howl bilaabeyso shirkada Caalamiga MAERSK LINE oo caan ku ah daabulida Konteenarada.
Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Dekadda Muqdisho
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com