Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Ciidanka Booliska Goldogob oo la dilay iyo ragii dilay oo la xiray

Ciidamo katirsan maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay dileen Taliyihii ciidanka booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug, kadib markii ay ka shakiyeen gaari uu watay taliyaha.

Ciiidamo ku sugnaa kantaloolka laga soo gala Deegaanka Buur-Saalax ayaa toogtay taliyaha booliiska Degmada Gal-dogob, waxa ayna ciidankan rasaas xoogan ooda uga qaadeen gaariga uu watay taliyaha.

Afar askari oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka taliyaha booliiska degmada Goldogob ayaa la xiray, waxaana socda baaritaano ku aadan qaabka uu dilku u dhacay dilka taliyaha.

Guddoomiyaha degmada Goldogob Xasan Maxamed Faarax, ayaa sheegay in la xiray afar askari oo lagu tuhmayo dilka taliyaha, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida uu dilku u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse iyo wafdi la socday oo Muqdisho ka ambabaxay

Cabdi Cade

DF oo Xildhibaanimada ka horjoogsatay xubno ka tirsan Maamulka K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---