Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaale Mushaar ahaan loo siiyay Bulukeeti iyo dood ka dhalatay Arintaasi

Warshada sameysa bulukeetiga dhismaha oo kutaala gobolka Jiangxi ee dalka Shiinaha ayey ku adkaatay in mushaarkooda siiso qaar kamid ah shaqaalaha Warshadaasi .

Shaqaalaha Warshadan ee mushaarka la siin oo gaaraya ilaa 30 ruux ayaa in mudo ah helin xaquuqdooda, waxaana shirkada awoodi weysay in shaqaalahaasi siiso mushaarkooda ay xaqa u lahaayeen.

Laanta Shaqada ee dalka Shiinaha oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Warshadan ayaa ugu dambeyn ku guuleesatay in shaqaalaha Mushaar ahaan u qaataan Bulukeetiga shirkadaasi soo saarto.

Lacagta Warshadan lagu lahaa ayaa lagu sheegay $14,050 doolar, waxaana 30-ka shaqaalee lacagta ka maqneyd la siiyay 290,000 bulukeeti, waxaana wali shaqaalaha u harsan lacag kale lamana oga xiligan la siin doono.

Dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada Shiinaha, waxaana ka dhashay dood xoogan iyo eedeyn loo jeedinayay shirkadaha iyo Warshadaha dalkaasi oo ku shaqeysta kadibna lacagta ka inkira shaqaalaha reer Miyiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed

Cabdi Cade

Jen. Biixi oo shaaciyey hal arrin oo sabab u ah xilka ka qaadista lagu sameeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden & dhigiisa Erdogan oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $23 Bilyan

Caydiid Ali