Allbanaadir.com
NEWS

Xabsi guri la galiyay Afhayeenkii Gobolka Banaadir iyo Sababta ka dambeysa

Afhayeenkii maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa lagu soo rogay xabsi guri, kadib markii lagu eedeeyay in uu Warbaahinta ka aqriyay Warsaxaafadeed qal qal abuurayay.

Sida aan Wararka ku helnay Taliska ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa galiyay afhayeenka xabsi guri, waxaana lagu amray Xalane in uusan kasoo bixi karin gurigiisa sida laga soo xigtay.

Afhayeenka ayaa loo heestaa Qoraalkii uu Warbaahinta u aqriyay markii xarunta maamulka gobolka Banaadir la sheegay in mudo labo sano ah lagu doortay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dabagal lagu hayo Gudoomiyaashii iyo masuuliyiintii kale ee ka qeyb galay doorashadii sharci darada aheyd ee dhawaan lagu qabtay xarunta Dowlada Hoose.

Qaar badan oo kamid ah Gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa hada wadnaha farta ku haya, waxa ayna ahaayeen badankood kuwa aad ugu dhawaa una taageersanaa Duqii hore ee Muqdisho Taabit.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanadii Puntland ee Xasaanada laga qaaday oo War cusub soo saaray

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo Ballanqaad kahor sameeyay guddiga fulinta ee Hey’adda UNHCR (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan lagu Taageerayo dhismaha Galmudug Mideysan oo ka socda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---