Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Madaxda ka qeyb galaysa shir looga hadlayo kobcinta Dhaqaalaha Aduunka oo halkaas ka furmaya.
Madaxda uu Ra’iisul Wasaare kheyre la kulmay waxaa ka mid ah Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar Shiikh Muhammad Abdulrahman Al Thani, iyagoo ka wada hadlay qodobo kala duwan.
“Waxaan Magaalada Davos ayaan kula kulmay Raiisal wasaare ku xigeenka Dalka Qatar Sheikh Muhammad Abdulrahman Al Thani. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarinewd ee Dowladda Qatar dhowaan ka bilaabayso Dalka” ayuu yiri raisul Wasaare Khayre oo war kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale raisul wasaaraha ayaa la kulmay Madaxa Hay’adda lacagata Aduunka IMF Christine Lagarde oo ka qeyb galaysa shirka Magaalada Davos.
Hadal ay boggeeda Twitterka ku soo qortay Christine Lagarde ayey ku sheegtay iney la dhacsan tahay hanaanka Maareynta dhaqaalaha ee dowlada Somalia ay wado, iyadoo balan qaaday in la dadajin doono sidii looga dhaafi lahaa lacagaha Somalia lagu leeyahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com