Allbanaadir.com
NEWS

Caruur ciidamada dowladu ka soo furteen Al-shabaab oo xaalad adag ay ku heysato xarunta Xalane (Daawo Sawirro)

Caruur lagu soo qabtay Hawlgal ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ka fuliyeen 19-kii Bishan degaanka Jameeco Jiliyaale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la sheegayaa iney xaalad adag ku heysato xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane oo la geeyey.

Dowladda ayaa sheegtay in caruurtan ay ka soo qabteen xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Yariisow ayaa Warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya hawlgalkaasi qorsheysan ay ku soo furatay 30 caruur ah.

Caruurtaasi qaarkood oo la geeyay Xarunta ciidamada Amisom ee Xalane, ayaa xilligan waxaa lagu soo waramayaa inay haysato xaalado dhanka caafimaadka iyo daryeel la’aan.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in caruurtan waalidiintood ay xoog kaga soo wateen Al-Shabaab si ay ciidamo uga dhigtaan.

Degaanka Jiliyaale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, Jowharna u jira 30-KM ayaa laga soo furtay caruurtaan goob dowladdu ay sheegtay Shabaab inay ku askareynayeen.

Afar ka mid ah caruurta ayaa la sheegay iney ku dhinteen howlgalkii lagu soo furanayey ka dib dagaal kooban oo dhexmaray dagaalyahano ku sugnaa halkaas iyo ciidamadii weeraray.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad loo xiray weerarkii Moscow & Madaxweyne Putin oo si kulul uga hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhawaqa Qaraxyo xooggan oo Caawa laga maqlay Muqdisho iyo Booliiska oo War kasoo saaray

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Shaaciyay tirada dadka ku dhintay Fatahaada Gedo iyo dadka barakacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---