Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho wafdi Finland ah oo uu hoggaaminayay Mudane Pekka Haavisto, oo ah xubin Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Finland.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen wafdi ka kooban afar xubnood oo ay ku jireen diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday Machadka Nabadda ee Yurub ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland u dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gobolka iyo dunida inteeda kale, iyo sidoo kale dib u heshiisiinta iyo tubta nabadda ee xal u helidda loolanka iyo khilaafka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com