Madaxweynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdy Mukhammedov ayaa ku sannifay gawaarida madow ee socota waddooyinka dalkiisa, waxaana uu soo saaray wareegto uu dalka kaga mamnuucayo gawaaridaasi oo ka bilaabaneysay kowda bishan aynu ku jirno ee Janaayo.
Gawaarida horay dalka u yaalay ee kalarka madow ayaa wadooyinka laga ururinayaa, waxaana ay arrintaasi sababtay in dadka leh gawaarid madow ay rinjiga ka badalaan inta aan laga qaadan.
Madaxweynaha wareegtadan soo saaray ayaa isagu ku socda gawaari cad-cad, waxaana uu daggan yahay qasri cad. Kalarka caddaanka ah ayaa lagu sheegay mid uu madaxweynaha dalkaasi si khaas ah u jecel yahay.
Madaxweynaha talada dalkaasi haya ayaa lagu sheegay mid kaligii-taliye ah, waxaana dagaalkiisa ku wajahan gawaarida madow uu soo bilowday labo sano ka hor xilligaas oo ganacsatada laga mamnuucay in ay dalka soo geliyaan gawaarida rinjiga madow.
Turkmenistan ayaa ku yaal qaaradda Asia, waxaana uu sannadkii 1991-dii ka go`ay dal-weynaha Ruushka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com