Allbanaadir.com
NEWS

Dal Somalia deris la ah oo markii ugu horeysay hawada sare u diraya Dayax gacmeed

Jaamacadda Nairobi Injineero ka tirsan ayaa sameeyey dayax gacmeedkii ugu horreeyay oo muddo laba bilood gudahood ah xariga laga jari doono.

Dayax gacmeedkani oo dhan 10 cm ayaa lagu magacaabaa Dayax gacmeedka Nano.

Dowladda Japan ayaa bixisay dhaqaalaha lagu dhisay Dayax gacmeedkani, iyadoo ugu deeqday lacag dhan 1 milyan oo dollar balse waxaa qaabaynta iyo dhisada iska leh dad Kenyan ah.

Waxaa Dayax gacmeedkani loo isticmaali doonaa in lagu indha-indheeyo kobaca beeraha iyo la socodka xeebaha dalka Kenya.

Dayax gacmeedkani ayaa bisha March ee soo socota loo diri doonaa hawada sare, iyadoo arrintani ay Kenya ka dhigaysaa dalkii qaarada Afrika ee Dayax gacmeed uu sameystay hawada sare u diray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Karanle oo taageertay Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Dadaalada Kheyre (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Mid ka mid ah jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho oo dib loo dhisayo

Caydiid Ali

Somalia oo ku guuleysatay guddoomiye Ku-xigeenka heyad caalami ah & Warar kale oo xiise badan

admin
Taboola Ads ---