Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo 16 cisho ka dib ku soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gebagebeeyey safar qaatay muddo labo todobaad ka badan oo ku soo kala bixiyey degaano hoos taga Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo duulay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, Wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale.

Farmaajo ayaa safarkiisa ka bilaabay 7dii bishan Janaayo magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland isagoo soo maray magaalooyin iyo degaano badan oo ka tirsan Maamulkaas.

Maalmo ka dib ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo, iyagoo soo u soo gudbay degaanada hoos taga Maamulka Gamudug, waxayna Magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galeen shirkii midowga Galmudug iyo Ahlu sunna.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday degmooyin iyo degaano kale oo ka tirsan Galmudug, isagoo safarkiisa ku soo gebagebeeyey maanta degmada Hobyo.

Madaxweynaha ayaa degmo iyo degaan kasta oo ay tagaan isaga iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweynayey shacab fara badan oo u ooman dowladnimada, waxaana guud ahaan safarka Madaxweynaha oo u badnaa dhinaca dhulka uu ku soo dhamaaday si amaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashadii Jarmalka oo lagu kala baxay & natiijo lama filaan ah oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Boosaaso ka dejiyay qalab caafimaad oo looga hortago Caronavirus (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaw soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlay ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---