Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir dhowaan isku casilay qalalaasihii ka dhacay Baydhabo oo xilka wareejiyey (Sawirro)

Xaflad ay Xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

Xafladaan ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud, Wasiir ku xigeenka Wasraadda Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Geesey ayaa isku casilay sababo la xiriira qalalaalisihii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo isagoo dhaliilay qaabka ay dowladu u maareysay arintaas iyo xariga Mukhtar Roobow.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Howlaha guud  Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa ugu horeyn waxaa hadalka qaatay wuxuuna ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay oo ay kamidyihiin Heshiisyo uu la galay Hay’ado Caalami ah & Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Sheegay inuu la imaan doono hufnaan Cadaalad iyo howlkarnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore & Wasiirka Cusub ayaa ammaanay Shaqadii Wasiirkii hore ee xilkaan baneeyay ku tilmaamay inuu ahaa mid howlkar ah, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuu ku booriyey  dar dar gelinta howlaha  Wasaaradda iyo waajibaadkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wejigii labaad ee Mashruuc Indho fiiqis bilaash ah oo ka socda Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Villa Somalia oo war ka soo saartay kulankii Farmaajo iyo Madaxda D/goboleedyada

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin Magacaabay Madaxa cusub ee Shaqaalaha Hay’adda Nabad Sugida

Cabdi Cade