Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Qatar & Somalia oo heshiisyo ku kala saxiixday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wasaaradda Batroolka iyo macdanka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa maanta is-faham ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah koox maalgashadayaasha Qatariyiin ah oo Muqdisho ku sugan ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.

Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada wasaaaradda laga caawinayo.

Dhinaca kale, Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) iyo maalgashadayaasha dalka Qatar ayaa sidoo kale maanta waxa ay is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaasha Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo digniin bixiyey

Caydiid Ali

Burcad dhac xeeladeysan ka waday degmo ka tirsan Xamar oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---