Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo ka hadashay Duqeyn lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

War Kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay duqeyn ka dhacday deegaan katirsan gobolka Baay lagu dilay dagaalyahano badan oo katirsan Kooxda Al Shabaab.

Dowlada warka ay soo saartay ayaa lagu sheegay ciidanka xooga Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Mareykanka duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Baay lagu dilay 10-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay dowlada

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda Maraykanka ayaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada argagixisda Al Shabaab ku dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday meel 150-KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, kana tirsan Gobolka Baay.

Ujeeddada duqeyntan dhanka cirka ah ayaa ahayd in lagu wiiqo isku dayga Shabaab ay ku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka, iyagoo ka qaadanaya lacago baad ah, kuna haya cabsi gelin joogto ah.

Duqeyntan ayaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda Mareykanku ayaa waxa ay sheegeen inay adeegsan doonaan awood kasta oo suurto gal ah si shacabka rayidka ah ee Soomaaliyeed looga difaaco Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshadihii ka socday France oo sii xoogeysanaya & Madaxweyne Macron oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo war kasoo saaray go’aankii maanta gaareen xildhibaannada labada Aqal

Cabdi Cade

Walaac hor leh oo soo wajahay Doorashada Soomaaliya iyo Mooshin ka dhan ah Qoor Qoor oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---